Caddeyn “Xad-dhaaf” ah oo loo helay mooshinka xil ka qaadista Trump

Lahaanshaha sawirka REUTERS

Caddeynta loo helay xil ka qaadista Donald Trump ee ah in uu awoodda xafiiska si xun u adeegsaday, waa mid “xad-dhaaf ah”, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen guddiga baaritanka ku sameynaya madaxweynaha Mareykanka.
Madaxweynaha wuxuu adeegsaday siyaasad ku saleysan dano shakhsiyadeed “oo aan ahayn danaha qaranka Mareykanka”, ayaa lagu xusay warbixin muhiim ah oo loo diray Aqalka Wakiillada Mareykanka.
Wuxuu sidaas sameeyay isagoo “faragelin dibadeed ka dalbaday” Ukraine, si ay uga caawiso in dib loo doorto 2020-ka, ayaa ku xusan qoraalka.
Ujeedada warbixinta waxay tahay in xafiiska laga saaro madaxweyne Donald Trump.
Wuxuu Trump beeniyay in uu qalad sameeyay, wuxuuna baaritaanka ku tilmaamay ugaarsi xun oo isaga ka dhan ah.
Ka hor inta aanan la shaacin warbixinta qabyada ah, Madaxweynaha oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga wuxuu weeraray Dimuquraadiyiinta hor-kacaya baaritaanka oo uu ku tilmaamay “kuwo aan wadaniyiin ahayn”.
Ka dib markii la daabacay qoraalka caddeynta ah, Afhayeenka Aqalka Cad, Stephanie Grisham, wuxuu yiri Dimuquraadiyiinta “waxay gebi ahaanba ku fashilmeen soo bandhigidda cadeyn muujineysa in qalad la sameeyay” iyo in warbixinta “ay muujineyso jahwareerka iyaga haysta oo keli ah”.
Warbixinta waxaa hadda loo gudbinayaa Guddiga cadaaladda ee Aqalka Wakiillada kuwaas oo Arbacada billaabi doona hannaanka, waxayna eegayaan in mooshin dhab ah oo xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Trump ay soo bandhigaan.
Maxaa ku qoran warbixinta?
Warbixinta ka dhalatay baaritaan lagu sameeyay xiriirka Trump iyo Ukraine waxaa dadweynaha loo soo bandhigay Talaadadii, kaas oo ay diyaariyeen Guddi uu Congress-ka soo xulay.
Waxaa lagu sheegay “in la caddeeyay in iskudeyga bilaha qaatay ee uu sameeyay madaxweynah Trump isagoo adeegsanayay awoodda xafiiskiisa oo uu ku dalbaday faragelin dibadda ah oo la xiriiray doorashada 2020-ka”.
“Barnaamijka madaxweyne Trump wuxuu ahaa mid aan waafaqsanayn shuruucda arrimaha dibadda ee ku wajahan Ukraine, wuxuuna liiday Amnigeena qaran isagoo dalbaday in eex loo sameeyo oo la billaabo baaritaan ku saleysan dano siyaasadeed oo ka caawiya in dib loo doorto doorashada soo socota,” ayaa lagu sheegay warbixinta.
“Trump wuxuu dalbaday in madaxweynaha cusub ee loo doortay Ukraine, Volodymyr Zelensky, uu si shaac ah u sheego baaritaan lagu sameynayo siyaasiga ay Trump ishayaan, madaxweyne ku xigeenkii hore, Joe Biden, iyo in meesha laga saaro in Ruushka uu farageliyay doorashadii 2016-kii, balse ay Ukraine ahayd.”
Caddeynta dhaqan xumada waa mid xad-dhaaf ah “iyo sidoo kale in caddeynta ah in uu isku deyay in uu is hortaago Congress-ka.”
Faafaahinta cusub ee la helay
Waxaa suuragal ah in la yab ay ku noqoto qof kasta oo dhageystay haddalladii ugu dambeeyay ee dheeraa, kuwaas oo aan u diyaarsanayn Adam Schiff, ee uu jeediyay xilligii dhageysiga uruurinta cadeymaha mooshink ka dhanka ah Trump, laba isbuuc ka hor, in hadda qoraalka kooban oo horudhaca ah uu guuddiga uu soo saaro, Talaadadii. In kastoo lagu dhex milay caddeynta, warbixin 300 oo

bog ka kooban, haddana waxaa ka buuxa faafaahinno cusub.
Shirkadda isgaarsiinta ee AT&T, taas oo baarayaasha Rudy Giuliani, ayaa siisay macluumaadka telefoonnada la duubay, waxay muujiyeen arrimo cusub oo la xiriira wakhtiga iyo baaxadda wadahadalkii qareenka gaarka ah ee Trump uu la yeeshay Aqalka Cad.

Been uu sheegay “Trump” oo baaritaan lagu haayo

Talaabada xigta ee mooshinka xil kaqaadista Trump oo la shaaciyay

Sidee Xilka Looga qaadi karaa Madaxweyne “Trump”?

Tani iyo bishii April ee sannadkan, Giuliani wuxuu la xiriiray tiro telefoonno ah oo Aqalka Cad ah, gaar ahaan, xafiiska mamulka iyo miisaaniyadda – laanta dowladda ee lehayd go’ankii ugu dambeeya ee hakinta gargaarka militari ee Ukraine uu u ansixiyay Congress-ka.
Inkastoo aan la ogeyn faafahinta wixii lagu wadahadlay, haddana jiritaankaas wuxuu muujinayaa isfaham la’anta ka dhex jirta qaar ka mid ah kuwa dowladda difaacaya ee uu Giuliani uu si gaar ah oo madaxbannaan ula shaqeynayay masuuliyiintaas sare.
Dhowr qof oo goobjoogayaal ahaa, sida safiirka Mareykanka ee EU Gordan Sondland, waxay ku marqaati fureen in Giuliani uu hagayay masuuliyiintaas, xilligii amarka madaxweynaha ee cadaadinta Ukraine taas oo siyaasad ahaan faa’iido u ahaan lahayd Mr Trump.
Hadda qadkii xiriirka Giuliani iyo Aqalka Cad wuxuu noqday mid cad oo muuqda.

Xukun Trump Ka nixiyay oo ay maxkamadi gaartay

Lahaanshaha sawirka REUTERS
Garsoore ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku amaray inuu waaxda dambi baarista ee New York uu u soo gudbiyo canshuur celintiisii ee 8-ddii sannadood ee ugu dambeysay.
Garsooraha ayaa diiday doodaha qareenada madaxweynaha ee ah in xasaanada guud ay ilaaliso isaga inta uu xafiiska joogo.
Mr Trump waa madaxweynaha kaliya ee Mareykanka soo maray ee aanan shaacin cashuur celintiisa tan iyo sannadkii 1960-kii.
Xukunkaan maxkamadda ayaa waxa uu sahlayaa baaritaanka ku saabsan lacagtii la sheegay in la siiyay labadii dumar ee sheegay inay xiriir la lahaayeen Mr Trump.
75-ka bog ee xukunka lagu qoray ayuu garsoore Victor Marrero ku sheegay in uusan aqbali karin “sheegasho aan xad lahayn oo ku aaddan xasaanadda madaxweynaha ee nidaamka garsoorka”.
Qareenada madaxweynaha ayaa islamarkiiba dacwad racfaan ah u gudbiyay maxakamadda sare.
Dhanka kale madaweynaha ayaa xukunka ka dib bartiisa Tweeter-ka soo dhigay in arrintani ay dabada ka riixayaan dacwad oogeyaasha Dimuqraadiga si madaxweyne Trump dambi loogu helo.
Maxay arrintani salka ku haysaa?
Baarintaanka ayaa waxa uu quseeyaa lacag uu qareenkii hore ee madxweyne Trump siiyey laba haween oo sheegay inay xiriir la lahaayeen Mr Trump.
lacagta la sheegay in dumarkaasi la siiyay ayaanan loo soo gudbin guddiga doorashada ee federaalka.
Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah lacagtaasi la bixiyay ma waxaa loogu talagalay in lagu dhowro sumacadda gaarka ah ee Mr Trump ama waxaa lagu difaacayay sharafta musharax madaxweyne.

Qaraxyo Lala Beegsaday ciidamada Amisom

Qaraxyo lala beegsaday ciidamada AMISOM

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in laba qarax lala beegsaday ciidamada Burundi ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.
Qaraxyadan ayaa la sheegay inuu duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe sida B.B.C da ay u sheegeen dad degaanka ku sugan.
Qaraxyada ayaa lala eegtay askarta AMISOM kuwaas oo ku sugnaa meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Buurane .
Sida wararku ay sheegayaan qaraxa koowaad ayaa geystey qasaare kooban halka markii ciidamo kale oo u soo gurmaday askartii wax ku noqotay qaraxa koowaad ay la kulmeen qarax labaad.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex askari ay waxyeello kasoo gaadhay qaraxa labaad, hase yeeshee Af-hayeeenka AMISOM oo ay la xiriirtay B.B.C waxa uu sheegay inay kaga dhaawacmeen laba askari.
Dhinaca kalena, dadka degaanka ayaa sheegay in rasaas ay fureen ciidamada AMISOM uu ku dhintay qof rayid ah.

Maxay isga egyihiin Madaxweyne Farmaajo & Maxamed Siyaad Barre?

BBC Somali News
1 Luulyo 2019Waxaa maanta Soomaaliya looga dabaaldegayaa maalinta xorriyadda oo ku began 1-da bisha Luulyo oo Soomaaliya ay xornimo ka qaadatay gumestihii Talyaaniga, wixii intaa ka dambeeyay, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad rayid ah, kahor inta uusan xilka qabanin Madaxweynihii dowladdii kacaanka, Maxamed Siyaad Barre.
Xiligii uu Siyaad Barre afgembiga aan dhiig ku daadanin xilka kula wareegay oo haatan laga joogo ku dhawaad 50 sanno oo ku beegan 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii, ayaa tan iyo intii uu hogaaminayay dowladdii Milateriga, waxay dad badan ku xusuustaan wanaag badan iyo dhibaatooyin badan oo uu kacaankii geystay, waxaana xiligan oo Soomaaliya uu Madaxweyne yahay Maxamed Cabdullahi Farmajo ay dad badan qabaan inuu dhowr arrimood isaga mid yihiin labada nin, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida ay u shaqeeyaan hay’adaha Dowladda, rabitaanka Dowlad dhexe oo awood badan iyo sida loola tacaalo mucaaradka ka fikir duwan.
Hay’adaha dowladda ee isku milmay
Xiligii dowladii kacaanka, waxaan marnaba qarsooneyn in ay jireen hay’ado dowli ah oo dowladda ay sheegi jirtay inay madax banaan yihiin, balse ay muuqatay inay si toos ah u hoos tagi jireen maamulka, waxaan tusaale loo soo qaadan karaa garsoorayaasha maxkamadaha oo hadba sida dowladda ay rabto wax u xukmin jiray iyo qaabka uu u shaqeeyn jiray baarlamaanka.
Garsoorayaasha ayaa xilligii kacaanka waxaa magacaabi jiray Madaweyne Siyaad Barre, balse haatan waxaa muuqata in nidaamkaas uusan wali meesha ka bixin.
“Dhisma la’aanta guddiga adeegga garsoorka oo la dhisi waayay xiligii Carte ilaa iyo hadda ayaa sababtay inay muuqato muuqaal ah in xukuumadda ay iyadu si toos ah u magacawdo garsoorayaasha, toos na xilka uga qaado, taasi na ay u muuqato in xukuumaddii iyo garsoorkii ay isku dhex milmeen oo aanay kala soocneyn, mararka qaar na awoodda faraha badan ee ay xukuumadda ku dhex leedahay garsoorka loo arko go’aan gaarista inay xukuumadda leedahay”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Abuukaate Zakariye Yusuf oo ah sharci yaqaan.
Abuukaate Tahliil Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan garsoorayaal aan hab-raaca sharciga ku magacawneyn, balse an loo nisbeyn karin dowladda hadda jirta oo dowladihii hore ay dhisi waayeen hay’adda adeegga garsoorka, taasi na ay keeni karto in su’aal la geliyo sharciyadooda haddii xukuumadda qabsan waydo waajibka ka saran hirgelinta adeegga garsoorka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale u muuqda inuu ku jiro gacanta dowladda oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmajo, iyadoo qorshayaasha ay dowladda wadato loo mariyo si aqlabiyad ah, inkastoo ay haddana jiraan xildhibaano mucaarad ah oo gacan ku gabad ah, kuwaas oo ay cabsi weyn ku beertay eedeymaha ah inay “qaran dumis” yihiin.
Sida loola macaamilo dadka ka aragti duwan Dowladda
Dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ahayd dowladdii ugu awoodda badneyd ee soo marta Soomaaliya, waxay lahayd dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadihii ay ku dhaqmi jirtay, iyo sida ay wax u wadeen, kuwaas oo lagu tilmaami jiray kacaan diid, daba dhilif iyo dib u socod, waxaana dadka ugu cadcadaa ee ka soo horjeeday ka mid ahaa Maxamed Faarax Ceydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf oo labaduba la soo shaqeeyay Siyaad Barre.
Dowladdii kacaanka ayaa dadka ka soo horjeeda ku shaabadeyn jirtay dad ka soo horjeeda danaha qaranka.
Cabdullaahi Yuusuf oo markii dambe Soomaaliya Madaxweyne ka noqday ayaa waxaa xiray Dowladdii kacaanka, isagoona loo arkayay nin ka soo horjeeda nidaamkii jiray, balse haatan oo uu dalka Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay dadka qaar ay ka daremeen isla qaabkii ay dowladda kacaanka ula dhaqmi jirtay mucaaradkeeda.
Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakur oo siyaasad ahaan ka fikir duwan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fikirkiisa loo weerarya, loona xiray.
Horaantii bishii afaraad ee sannadkan, waxaa barlamaanka Federaalka la geeyay oo qorshuhu ahaa in laga dooda arrimo ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho, balse buuq iyo fowdo ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibanaada qaar oo ay wasiiro ka mid yihiin ayaa sababtay arrin dad badan ay la yaabeen.
Wasiirka waxbarashada ee Soomaaliya, Goodax Barre oo sidoo kale ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa xildhibaano kale oo ka aragti duwan ku tilmaamay inay yihiin Al Shabaab.
“Xildhibaanada diiday in barlamaanka Soomaaliyeed uu xog ogaal u noqdo amniga meesha uu marayo waa Al Shabaab, waa dad Shabaab u shaqeeyo”, sidaas ayuu Goodax Barre ka yiri golaha shacabka.
Walow dalalka qaar mucaaradka loo arko inay yihiin dad siyaasad ahaan doonaya inay wax saxaan, damac na uu uga jiro xilka ugu sarreeya dalka, ayaa haddana muddadii ay jirtay Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxay sameysay ficillo lagu fogeynayo dadka ka aragti duwan, taas oo ay ku dhaqmi jirtay Dowladdii militeriga.
Waxaana intii uu xilka qabtay caan baxay haddalo ay ka mid yihiin “qaran dumis, dowlad diid iyo ereyo la mid ah”.
Dowlad dhexe oo awood badan
Soomaaliya oo burburkii kahor lahayd dowlad dhexe oo awood badan ayaa dowladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa muuqata inay daneneyso in mar kale dalka ay ka hana qaado dowlad dhexe oo awood badan.
Soomaaliya oo nidaamka Federaalka uusan horay uga jirin balse burburkii kadib uu ka hirgalay, loona arkayay xalka kaliya ayaa waxaa laga soo maray marxalado kala duwan oo ay ka mid yihiin khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyo inta badan dowladda kula dhaga go’aanada siyaasadeed.
Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo oo aan marnaba qarsanin rabitaankiisa ku aadan nidaam xoog leh ayaa sheegay inay doonayaan dowlad dhexe oo awood leh.
“Inkastoo qaarkood ay nagu dacaayadeeyaan, yiraahdaan Dowladda Federaalka waa dowlad dhexe, waa dowlad rabta inay awoodda qaadato, annaguna waxaan dhahnaa Federaalka saxda annaga ah, maxaa yeela waxaa rabnaa dowlad dhex oo xoog leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo ciidan fiican leh, oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimo dibadeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad dhexe oo arrimaha socdaalka iyo xuduudadeeda ilaalisa, waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh, dhaqaalaheedana iyadu kontoroosho”, sidaas waxaa xaflad qallin jabin ah ka yiri Madaxweyne Farmaajo.
Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in inkastoo qaabka ay xilka ku yimaadeen ay kal duwan tahay, oo Farmaajo ay doorteen xildhibaano, Siyaad Barre na qaab milateri uu ku yimid, haddana ay tahay in dowladda hadda jirta ay wax ka barato wixii dhibaatooyin ah ee horay u dhacay.
“Runtii labada maamul sida ay ku yimaadeen waa ay kala duwan yihiin, haddana wax waa ay wadaagi karaan; waynu aragnaa khaladaad barigii hore ka dhici jiray dowladdii hore inay tan na sameyso, waxaana ka mid ah inay mucaaradka u aragto cadaw, meelaha ay uga ekaatay dowladdii hore ee Siyaab Barre waxaa u sabab ah hay’adihii dowladda ee kala hagi lahaa ama kala xukumi lahaa in aysan dhisneyn, mar haddii kuwaas aysan jirin na ninka Madaxweynaha sida ay ula ekaato ayaa imaneyso, khaladaad bandanna way imanayaan”, Sidaa waxaa BBC-da ku yiri Cabdiraxmaan Caddami.
Wuxuu intaa raaciyay in duruufaha labada maamul aya kala duwan yihiin, balse ay adag tahay in Soomalaida ay wax ka bartaan waxyaabaha soo maray haddii ay noqon lahayeen dhib ama dheef-ba.

https://bbcsomalinews.wordpress.com

Wasiirada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Monico Juma

Kenya Nairobi

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in dalkeeda uu halis ugu jiro in looga guulesto siyaasadaha arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda ee Gobolka.
Monica oo Arbaacadii hortagtay Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in miisaaniyadda dowladda u qorsheysay Wasaaradda arrimaha dibadda aysan ahayn mid ku filan.
Warkaan ayaa kusoo beegmaya xili Somaliya iyo kenya aay gorada iskula jiraan

Kenya oo ku dhawaaqday mowqif adag oo ku saabsan muranka badda

Lahaanshaha sawirka DAILY NATION
Dowladda Kenya ayaa si cad u sheegtay in aysan Soomaaliya marnaba gacanta u galin doonin xitaa qeyb yar oo ka mid ah dhulka ay ku fadhiso xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa galinkii dambe ee maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday mowqifkeeda ku aaddan arrintan ku saabsan muranka badda, iyadoo sheegtay in tallaabadii ay Soomaaliya qaadday ay ahayd mid qallafsan.
“Ma jirto dowlad aan ku wareejineyno taako ka mid ah dhulka ay Kenya leedahay”, ayey tidhi Ambaasadoor Monica Juma.

Juma ayaa sheegtay in Kenya ay wali Soomaaliya ka sugeyso jawaab faahfaahsan oo ku saabsan arrimaha ugu waaweyn ee lasoo hadal qaaday, iyadoo dhanka kalena xustay in Kenya ay aad isugu dayeyso iney “isxakameyso”, oo aysan tallaabo xad-dhaaf ah qaadin.
“Dalal ayaa dagaal u galay wax aad uga yar arrintan oo kale”, ayey tidhi Ms Juma.
Waxay dalbatay in Soomaaliya ay sharraxaad buuxda ka bixiso qodobada ay Kenya taabatay ee ku saabsan meelaha shidaalka qaniga ku ah ee la beeciyay.
Wasiiradda oo ka hadleysay shir jaraa’id oo ay warbaahinta u qabatay ayaa hoosta ka xariiqday in ay jiri karto cunaqabateyn ay ku soo rogaan Soomaaliya, taasoo ku xiran hadba sida ay noqoto jawaabta ay xukuumadda Muqdisho ka bixiso sharraxaadda laga dhowrayo.
Qeyb ka mid ah sharraxaadda ay Soomaaliya ka sugayaan ayey sheegtay in ay tahay raalli galin laga doonayo in Soomaaliya ay siiso Kenya.
Muranka culus ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku saabsan afar waaxood oo ka mid ah dhulka ay badda ku fadhiso ee u dhow xadka biyaha ee kala qeybiya labada waddan.
Dhammaan afarta qeybood ee ay isku hayaan labada dal ee dariska ah ayaa qani ku ah kheyraadka saliidda.
Dacwad ku saabsan murankan ayaa hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda(ICJ), taasoo laga dhowrayo iney dhageysato, ka dibna go’aan kasoo saarto.
Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray Sabtidii lasoo dhaafay, ka dib markii ay Kenya amar ku bixisay in Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaa uu dib ugu laabto Muqdisho, iyadoo sidoo kalena u yeeratay danjiraheedii Soomaaliya fadhiyay.

https://bbcsomalinews.wordpress.com

Cali Max’ed Gaaboow

Mareykanka: Jamhuuriga & Dimuqraadiga oo mar kale is maan dhaafay

Lahaanshaha sawirka AFP
Wadahadalladii xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa dimuqraadiga Aqalka Congress-ka Maraykanka ee loogu talagalay in looga hortago in mar kale ay hawlaha dawladdu hakadaan ayaa is fahanwaa ku soo dhammaaday.
Ergooyinkan ayaa rajaynayay in ay is fahmaan Isniinta si ay Aqalka Congress-ka u siiyaan wakhti uu ku ansixiyo Jimcaha, maalintaas ayuuna ku egyahay heshiiskii bishii hore la gaaray ee lagu ansixiyay kharashaadka dawladda.
Isfahan waagan waxaa xudun u ah meesha uu madaxweyne Donald Trump ka taagan yahay dhaqaalaha ku baxaya darbiga uu rabo in laga dhiso xadka Maraykanka iyo Mexico.
Hawlaha Dawladda Maraykanka ayaa horay u xirmay 35 maalmood, arrintaas oo noqotay middii ugu wakhti dheerayd taariikhda dalka Maraykanka.
Ismariwaagan u dambeeyay waxaa keenay markii xisbiga Dimuqradigu uu dalbaday in waaxda socdaalka iyo dhaqangalinta arrimaha canshuuraha ee loo soo gaabiyo ICE ay diiradda saarto xirxiridda dadka soo galootiga ah ee dambiyada galay badalkii ay xirxiri lahaayeen dadka dal ku galku uu ka dhacay, arrintaas oo ay sheegeen in ay xadidayso sariiraha goobaha dadka lagu hayo, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

https://bbcsomalinews.wordpress.com/

http://twitter.com/bbcsomali_live/

bbcsomalinews@hotmail.com